Showing posts with label Seid A. Abdi. Show all posts
Showing posts with label Seid A. Abdi. Show all posts

Wednesday, 8 September 2010

GUDBOONDHIGGA: Arabic Somali Transliteraion

GUDBOONDHIGGA
Waxa suraabkan magaciisu ahaaday gudboondhig, uu ka waramayaa ama ka xogbixinayaa kasmada ku aadan marka laba af loo kala xog gudbinayo, ama isla hal af taasi ka dhex suuroobayso. Waxa ugu horaynba gudboondhigga oo ah magac guud uu ka kooban yahay seddex laamood.
1. Gudbandhigga(Translation):
Waxa weeye marka laba af xog qoraal ah loo kala gudbinayo. Haddaba jaadadka gudbadhiggu waxay kala yihiin, shantan jaad:

1.1. Gudbandhig Kasmasheed(Scientific Translation):
1.2. Gudbandhig Farsameed(Technical Translation):
1.3. Gudbandhig Garneed(Legal Translation):
1.4. Gudbandhig Danhawleed(Business Translation):
1.5. Gudbandhig Suugaaneed(Literary Translation):
Waxa aan tusaale u soo qaadanayaa tiraab suugaaneed, siiba tiraab murtiyeed oo ah maahmaahdan Ingiriisiga ah, oo loo gudbadhigay ama laga dhigay maahmaah Soomaaliya: “Look before you leap! = Intaanad falin ka fiirso!”.

2. Afcelinta(Interpreting):
Waa marka laba af xog loogu kala gudbinayo si oraf ah, oo aan qornayn, ama aan qoraal ahayn. Gees kale waxa jirta
2.1- Tilwarinta/Tilbidaadda/Faahfaahin(Interpretation)- oo ah ka faallood, ka warfaallood, ama ka intifaallood, sida tilwarinta riyooyinka. Tilwarintu way ka duwan Afcelinta, maxaayeelay waxay ka dhex suurowdaa isla-af dhexdiisa.
2.2- Codfurka(Vocal Decoding): Jaadkan waxa uu ku aadan yahay, odhaahyada luuqi saaran tahay, ama laashiman – Sida odhaahyada heesaha ama maansooyinkaba. Waxa uu qof doonaa in loo codfuro midho hees lagu heesayaa yihiin, si uu qofku si furfuran ugu dhaato ereyada heesta. Da’yar badan baa haatan doona in codfur loogu sameeyo midho laashiman(LAXAMAN) oo aan ku dhaadan karin sida loogu luuqaynayo daraadeed.

3. Tibxabeegga(Transliteration): Arabic Somali Transliteration
Waxa aan tusaale u soo qaadanayaa tibxabeegga Carabi-Soomaaliga, oo ah sidatan:
1-A = ٲ     ALIF
2-I  = ٳ     ILIF
3-U = ٱ     ULIF
4-B = ݕ
5-T = ٺ
6-Th = ث
7-J  = ج   JIIM
8-X =ح
9-KH=خ
10-D  = د DEEL
11-DT= ذ DTAAL
12-R =ر
13-Z = ز  ZEEN
14-S = س SIIN
15-SH= ش       SHIIN
16-SS = ص      SSAAD
17-DD =ض     DDAADD
18-TD = ط       TDAAB
19-TT = ظ       TTUN
20-C  = ع         CAYN
21-Q = غ         QOYN
22-F  = ف
23-QQ = ق      QQAAF
24-K = ك         KAAF
25-L = LAAN    ل          
26-M = م          MIIM
27-N = ن         NUUN
28-W = و         WOOW
29-H =HAAL ھ
30-Y = YOW ي
Af-Carabigu waxa uu ka kooban yahay 28 tibxood oo mid walba aste u gaarra leedahay iyo dhawaqtooyo u gaarra. Aste(Character)-waa summadda tibixi qoranto.25  tibxood giddigood waa shibbaneyaal, seddexdan A/I/U ayaa shaqallo u ah- maxaa yeelay af-Carabigu wuxuu leeyahay seddex shaqal. U-fiirso: Marka LOO-TIBXABEEGO - Carabiga -Soomaali : Waxa uu ku yahay Far-Soomaalidaas 30 TIBXOOD
Af-Soomaaligu waxa uu ka kooban yahay 26 tibxood, kuwaasoo ay ku tirsan yihiin shanta shaqal ee af-Soomaaligu leeyahay. Tibxayaalka Far-Soomaaligu(The Somali Alphabet)-waa sidatan:
A,E,I,O,U,B,T,J,X,KH,D,R,S,SH,DH,C,G,F,Q,K,L,M,N,W,H,Y.
Waxa jira oo aad arkaysaa seddex tibixood oo laba aste oo isku lamaan ama se isku lakan ah oo u taagan tibix-ahaan -Kala ogow TIBIX iyo ASTE–waa KH,SH iyo DH. Balse ogow waa tibxo gaarra, oo dhawaqtooyadooduna ka gaar tahay kuwa kale. Waxa jirta tibaax laga wada helo asteyaasha tibaxaha Soomaaliga oo dhan:
SHEEKHA WIILKIISA CURAD GABADHUU QABI JIRAY FOOX LA’AAN MA HEESTO!
Tibaaxdan waxa wada-taawiyay, laba waxbare oo kala ah: Master / Yahadle Cali Cabdi Xirsi iyo Master/ Yahadle Cabdi Yaasiin Faarax.
Waxa aad ogaataa sidaas aynu soo aragnay ee Carabigu u leeyahay tibxaha dhawaqyada qaar ee aan Soomaaligu ugu lahayn tibxo, in Soomaaliguna u leeyahay, dhawaqyo tibixeed aan Carabiga tibxo ka ahayn. Kuwaasina waa kuwan:
DH-da:
Guud ahaan, af-Carabiga haaneedka ah, kuma jirto, sidoo kale laqbeyaasha Carabiga ee haatan ka kala jira dalalka Carabta laguma yeedho DH-da.
G-da:
Af-haaneedka Carabiga kuma jirto oo laguma yeedho G-da.Waxa se lagaga yeedhaa laqbe ahaan, dalal badan oo Carbeed, sida Massar, iyo dalalka gacanka Carbeed, ku-yeedhista G-du waxa ay u taagnaataa Jiim-ka waa xaga Masar. Balse, xaga dalalka gacanka Carbeed Qqaaf-ka ayaa G-du u taagnaataa.


Friday, 9 January 2009

SAAMEYNTA CARABIGA EE AFKEENA

Waxa jirta saameyn weyn oo uu afka Carabigu ku leeyahay afkeena Soomaaliga.Afafka aduunka ee jira way jirtaa in af dadkiisu ka ilbaxnimo horeeyo uu saameeyo oo uu ku biiriyo ereyo markaas ka maqan afka la saameynayo. Sidoo kale maanta oo dunidu ku jirto oo ay ku tartamayaan dadkiisu ilbaxnimo ,ayaa Soomaalida la dheer yahay, ilbaxnimo gedo badan. Ilbaxnimo farsameed,mid aqooneed,mid dhaqameed intaba waa la dhihi karaa Soomaalida waa la dheer yahay. Ilbaxnimada dhaqameed waxa Soomaalidu tirsataa in Carabtu dheer tahay, taasoo keenta inay Soomaalidu u gurato dhaqanka Carabiga ah ee Islaamnimo. Ilbaxnimada farsameed, waxa ina dheer dadyow aan Muslim ahayn, oo inoo soo sameeya qalabyo aynaan magacyo u lahayn, oo aynu magacyadooda qaadano - Sida: KOMBUYUUTAR,TILIFISHAN,RAADIYOW, ama TILIFOON.Ilbaxnimadaas sanceed ama farsameed waxsoosaarkeedu weli wuu socdaa, welina waa la inaga horeeyaa, taasina waxay sii badinaysaa inaynu ka magacyo qaadano. Dhan kale ilbaxnimada aqooneed,ama kasmeed (Cilmiyeed) ayaa iyaduna inagu soo biirisa ereyo magacyeed oo aynaan hore u lahayn qaarkood - Sida:FIISIGIS,KIMISTERI,JUGRAAFI iwm, marna HAYDAROOJIIN,OGSAJIIN iwm.
Intaba waxa ugu saamayn weyn, ilbaxnimada dhaqameed, oo ku qotonta DIIN-ta,taasoo aynu ka xog-qaadano kasmada diinta Islaamka, oo ku tiraaban af-Carabi. Waxa dadyow badan oo afkooda saameynta ka ilaaliya ay sameeyaan GOSHI(AKADEEMIYAD), ka ilaaliya in afkoodu asal guuro,Goshigu waxa uu qabtaa hawlaha EREYBIXIN-ta, iyadoo aqoonyahannada afkaasu u hidinayaan bulshadooda ereyo ay isku raacaan inay u dhignaadaan kuwa qalaad ee afkooda geli lahaa. Ka dibna maamulka iyo warbaahinta ayaa shaacisa,oo hirgelisa ereyadaasi la hidiyay. Xilliga haatan, way jiraan xubno bulshada ka mida oo ereybixin sameeya, balse waa xubno aan meel wada joogin oo ku kala filiqsan aduunweynaha, marna aan xidhiidh wadajireed wada lahayn,oo aan goshi u samaysnayn. Mid walbaa ereybixinta uu sameeyo waxay u jirtaa gaar,oo maaha wax isku-raac leh, hirgelinta iyo shaacintuna waa qeyb kale oo ka cilaalan erey-hidiyayaasha. Waxa aan tuducan ku bilaabay, saameynta Carabigu ku leeyahay Soomaaliga. Waa mid aad u sii ridan,oo aan ereyada Carabiga ah, si fudud looga midha-saari karin af-Soomaaliga.
Dad kasta oo jiraa,marka ay talo leeyihiin, waxa jira talameel(POLICY)ku aadan arrimaha afkooda oo meel u yaal. Bulshadeena haatan Soomaalida ah, ma jiro talameel ay ka leeyihiin afkooda. Talameelku waxa uu qaabeeyaa,sida afkooda ay u ilaalinayaan ahdiisa ama haybtiisa. Waxa aan taas uga jeedaa, afka Soomaaliga, haddii erey kasta oo qalaad lagu midha-darsado waxa liinbaxaya ama maydhaanmaya isirkiisii uu ku ahaa af gooniya oo ka baadi-soocan afafka kale. Maxaa-yeelay, af waa EREYO, haddii ereyadiina ka noqdaan ereyo qalaad, waxa la waayayaa ahdiisii,ama haybtiisii iyo sinjiyadiisii gaarka uu ku ahaa.
Maqaalkan surmadiisu waxay ahayd;SAAMEYNTA CARABIGU KU LEEYAHAY SOOMAALIGA: Waxa aynu soo xusnay in saameynta ugu weyn ee afafku ku leeyihiin Soomaaliga, ay ugu weyn tahay tan Carabigu ku leeyahay Soomaaliga, taasna waxa ugu wacan, iyadoo ilbaxnimada dhaqameed ee Soomaalidu u gurataa ay ku taalleysan tahay af-Carabi. Waxa ay Soomaalidu dhaqan ahaan u xigataa Diinta Islaamka, oo duruusteedu ku taalleysan tahay af Carabi. Taasi, waxay keenaysaa in ereyo badan oo Carabi ah, af-Soomaaliga soo galaan. Waxa talo ahaan, aan u soo-jeedinayaa, sidii xeedhana xeedho ku ahaan lahayd,ilkana ku nabad geli lahaayeen! Oo ah, in ereyada aan af-Soomaaliga lagu haynin ee ka mida duruusta Islaamka, ay Soomaalidu qabatinto oo afka Soomaaliga lagu midho-daro. Balse si loo ilaaliyo Soomaaligana, ereyada Soomaaligooda la helayo iyaga la soo xigto oo lagu jeediyo duruusta Diineed oo la bixinayo, oo aan ereygii Soomaaliga ahaa la naafeynin, maxaa-yeelay, haddii la adeegsan waayo ereyga Soomaaliga ah, waa uu naafoobayaa, oo afka wuu ka libdhayaa, taas in maanka lagu hayo oo aan la iloobin, lana fudeydsanin aqoonta afka oo ah,lafdhabar oo kale, marka la isweydiinayo ahdeena dadeed, ama haybeetana dad ahaaneed.
Waxa jiri kara dad aan u arkaynin, muhiim af-Soomaaligaba, oo ku dhahaya Carabiga ayaa ka muhiimsan. Haa! Carabigu waa muhiim,marka ay Diinta Islaamku ku taalleysan tahay. Af-Soomaaliguna waa muhiim marka bulsho dhan haybtoodu ay ku taalleysan tahay, afku waxa uu ka mid yahay, waxyaabaha haybteena aheeya ama ekeeya, waa ayaandarro in qof uu noqdo haybtii garan-waa'. Waxa uu Eebbeh, ku tiraabay Al-Qqur'aan-ka "Waxa Ka Mida Tusmooyinkiisa(Aayaadkiisa)Ahbuurta Koraysyada Iyo Dhulka Iyo Kala Duwanaanshaha Afafkiina(Ahdeedyadiina/Laqadyadiina) Iyo Midabadiina.."[Deerka-Al-Ruum:Tusmada 22-aad]- Halkan waxa aan ku tigaalayaa, in afafku yihiin TUSMO(AAYAD) EEBBEH ina tusayo, marka hore ereyga AAYAH! waa wax la ina tusayo. Haddaba haddii aynu aqoonsan wayno tusmadaas waxa aynu gabnay xikmad Rabaaniyah!..Waa haddii aynu u arki weyno, afkeena wax mudan in la qiimeeyo, oo muhiim ah. Halkaas waxa aan ku soo gunaanadayaa, qeybtan ku saabsanayd saameynta Carabigu ku leeyahay af-Soomaaliga. Oo aan gundhiggii leeyahay, ha laga yeesho talameel ku aadan arrintiisa afka marka la jirinayo ee la doonayo inuu af sii ahaado jira, oo tirsan.


Tuesday, 2 December 2008

LABADA TIRAABOOD

Guud ahaan, boggeenani wuxuu ku saabsan yahay, TIRAAB-ta iyo waxa ay tahay. Maqaalka hore marka aad higato waxa uu hordhac u yahay, maqaalada danbe ee ku xigi doona, oo kan na ka mid yahay. Maqaalkan waxa aaan ku soo bandhigayaa jaadadka TIRAAB-ta, kuwo ka mida. Waxa aan tilmaamay oo aan hoosta ka xariiqay inay jiraan TIRAABAHA kan:
1.TIRAAB SUUGAANEED
2.TIRAAB KASMASHEED(CILMIYEED)
3.TIRAAB GARNEED(SHARCIYEED)
4.TIRAAB FARSAMEED
Haddaba waxa tiraabaha oo dhami sidii aan hore ugu carabaabay ay ka soo hireen oo horseed u ahayd TIRAABTA SUUGAANEED. Bulshada ama dad kastoo af lahaa, afkooda aqoonta ugu horaysay ee lagaga taamayay waxay ahayd SUUGAANTA, intii aanay KASMASHO(CILMI)kale ku baranin, sidaas ayay TIRAABTA SUUGAANTU horumood u tahay. Waxa xiga oo wax lagu bartaa TIRAABTA KASMASHADA(CILMIGA). Waxa aan haddaba tusmaynayaa xidhiidhka ka dhexeeya ama ka dhexayn kara TIRAABAHA.
Maahmaadu waa TIRAAB SUUGAANEED, waxa la dhahaa ama lagu heesaa..........................
"Maahmaahdu waa murtiyee
Beentu ay ka maqantee
Mooganahaan ogaynee!"
Maahmaahdu way tiraaban tahay, oo waxay u tiraaban tahay si jabaqreen(RHYME) leh. Waxa yeedha marar ereyo sida maahmaahda loo dhigay, waxa se jira xeer sugaya oo qeexaya waxa maahmaah ah, waxa aan maahmaah ahayn. Marar kale ayaynu ka faalloon doonaa. Balse ila day maahmaahdan maanta: "Togba taagtii/Taaggii buu rogmadaa!"-Waa tiraab suugaaneed, waa na MURTI. Aynu maamsano maahmaahdaas..! Tog waynu naqaanaa waa biyo soo rogmaday, waxa ay ka soo rogmadeen meel yara saraysa. Saraynta meeshaas u fiirso oo dheh TAAG(HEIGHT)-Biyaha na u fiirso oo dheh wax cuf leh (MASS), waxa keenaya rogmashada biyaha na dheh karaar (ACCELARATION). Haddaba waxa jirta FORMULA(SATI), lagu cabiro TAMARTA = mha. Biyahaasi waxay leeyihiin TAMAR KEYDSAN(Potential Energy), tamartooda keydsan waxa ay leeg tahay TAMARTOODA SOCOD (Kinetic Energy)=
Mv2 oo ah (KEYNAAN LABAJIBAARAN * CUF). Waxa aynu goorahanba ku jirnay KASMO(CILMI-SAYNIS) ah FIISIGIS(Physics) -Oo ah halgedda(The Subject) lagu barto TAMARTA iyo cabirkeeda. Waxa aynu ku ogaanay sida uu dhigayo SATI-ga(The Formula) lagu soo saaro TAMARTA- In Tamarta Keydsan ee BIYUHU leeg tahay Tamarta Socod ee BIYAHA TOGGA.
Waa run, waa intii maahmaahdu inoo sheegtay ee ay tiraabta suugaaneed inoo sheegtay "Togba taagtii buu rogmadaa!/Togba Taaggii Buu Rogmadaa!"- Halkan waxa aynu ka yara aragnay xidhiidhka ka dhexeeya TIRAAB suugaan ahaan u soo yeedhay, oo MURTI ah, iyo barashadii kasmashada , taasoo aynu ku gororsanayno WARKAN: Barashada Kasmashadu(Cilmigu/Cilmi-Saaynisku) waxa ay dheeh ku leedahay MURTI-da.


Tuesday, 4 November 2008

TIRAAB

Waxa ugu horeeya, ee aan soo bandhigayaa waa qeexaalka TIRAAB: Waa erey ama dhowr erey oo wadajir u xanbaarsan saanyad kasmeed ama saanyad suugaaneed.
SAANYO = CONCEIVE
SAANYAD-ka = The CONCEPT
SAANYASHO = CONCEIVING
"Ma tiraabin maansooyinkaan teebgarayn jiraye!"
[Maxamed Kaahin Feedhoole: Gabay:Tabantaabo Gacal]
Xaga adeegsiga waxa la dhahaa "Ma tirowday?"/"Ma tiraabtay?" Oo ka dhigan si-sudan ama si la hubo ma u sheegtay?.
Waxa in badan yeedhay, in kala-foocsiga afka loo kala soocsado TIX iyo TIRAAB. Taasi waa halkeeda, waa-na kala-soocid hordhac u ah afka, ama waa beeqaaq lagu kala saanyado afka. Waxa aan halkan ku tusmaynayaa, in ereyga tiraab uu leeyahay, micne sii ridan, oo mar uu u taagan yahay iskii isaga oo aan tix ku jirin, marna tixda lafteeda ereyadeedu tiraaban yihiin, sida ku cad tidica aan ka soo xiganay gabayga kor ku xusan. Waxa jira tiraabo aan tibixqaarnayn, kuwaasoo xog lagu tiraabayo. Waxa kaloo jira tiraabo tibixqaaran oo ku magacaaban tix.
Sida aynu soo xusnay, waxa jira EREY-TIRAABEED, oo xanbaarsan saanyad kasmeed ama saanyad kasmeed(Scientific Concept), markaa tiraabtaasu waa TIRAAB-KASMEED. Waxa kaloo jirta TIRAAB-SUUGAANEED.
"Sida koorta yucub oo la sudhay kormo buubaala
Ama beelo keynaana oo kor u hayaamaaya!"
[Gabay; Raage Ugaas]
Ereyga KEYNAAN, ee tixdan ku jiray, waxa uu galay waxbarashadii lagu baran jiray af-Soomaaliga. Markiisa hore wuxuu ahaa tiraab suugaaneed, sida uu tixda ugu jiro. Ka dib wuxuu ahaaday tiraab kasmeed, waxaa loo yeelay qeexniin cad.
KEYNAAN(Velocity): Waa xawaare jihaysan oo qiyaas leh.Ereyga uu doona ha ahaado, kol haddii uu erey xanbaarsan yahay saanyi-kasmeed, waxa uu ku sifoobayaa TIRAAB. Halkaa waxa aynu ku kala garan karnaa, ereyada Soomaaliga, ee qaarkoodna ku magacaaban yihiin erey sifada ah oo keliya, qaarkoodna ku magacaaban yihiin, sifada ah erey iyo tiraab.
Marka ay tahay hadalmaalmeedkeena waxa aynu ku wada hadalnaa ereyo, kuwaasoo ah ereyo yaalaale. Ma dhihi karno waxa aynu ku wada hadalnaa tiraabo. Tiraabo way soo geli karaan wada-hadalkeena, marka aynu isu xogaynayno saanyad kasmeed ama nuxur kasmeed(Waa nuxur cilmiyeed). Waxa aad ogaataa, mar kasta oo la isu xogaynayo saanyad/nuxur, in la adeegsado tiraabo. Sidaas ayay tiraabuhu uga tilmaaman yihiin afka ay ka midka yihiin.
Xaga waxbarashada , halged kasta oo la isbarayo waxa ay yeelataa TIRAABGAN(Terminology), oo yaalaa la dhaho EREYBIXIN. Tiraabuhu waa sitooyinka waxbarista(Tools of teaching). Haddii aanuu baruhu tiraabo haysanin ma gudbin karo xogaha halgedda uu barayo ardayda.
Waxa aynu soo xusnay in hal erey ahaan karo tiraab. Waxa kaloo aynu xusaynaa in dhowr erey ahaan karaan tiraab. HEERKUL: Waa laba erey oo isku lakan. Waxa la doonay nuxurka kasmeed ee TEMPERATURE oo ah tiraab Ingiriisi ah, in la af-Soomaaliyeeyo. Waxa lagu tiraabay HEERKUL, oo ah EREYBIXIN loo sameeyay. Waxa mudan inaan kala saafo, labada macne ee EREYBIXIN iyo TIRAABGAN. Ereybixin(Coinage) waa farsamo afeed jirta, waxa la adeegsadaa marka tiraab af kale ah, la doono in la Soomaaliyeeyo, loona waayo tiraab Soomaali-ah, oo iskeed ugu dhiganta, sida Keynaan = Velocity, ama Karaar = Acceleration iwm.
Waxa jira qalabkan oo aan magac ku lahayn af-Soomaaliga-THERMOMETER, waxa lagu tiraabay ereybixintan HEERKULBEEG. Tusaale kale oo ku saabsan ereyo tiraab keliya ah: HAB-DHAQAN-DHAQAALE-SIYAASADEED(Socio-politico-economic-system), waa tiraab kasmeed, ama saanyad-kasmeed keliya, oo ka kooban ereyo dhowr ah.
Haddaba waxa imanaysa in la isweydiiyo, keydka ereyada tiraabeed maxaa lagu magacaabayaa?- Ma EREYBIXIN, mise sida aan anigu qabo TIRAABGAN. Maxaa keenay in aan anigu dhaho TIRAABGAN? -Waa wax la xidhiidha micnaha TIRAAB, oo aynu soo qeexnay, ka-na faalloonay, weli-na aynu wadno faalladeedii, iyo faahfaahinteedii. Sida aynu soo xusnay tiraab waa erey ama ereyo xanbaarsan saanyad kasmeed ama suugaaneed. Erey-tiraabeed ayaa jira, waa erey saanyad-kasmeed xanbaarsan(Conveying scientific concept), kuma sheegnaado keliya inuu yahay erey, wuu ka heer sareeyaa,waa erey shilis, waa TIRAAB. Waxa iyaduna meesha taala, sidee saanyad loo tiraabaa?- Mar kasta ereybixin lama sameeyo, mar baa afka laga dhex helayaa erey tiraabeed u dhigma saanyadka tooman. Haddaba sida saanyad loo tiraabo , ayaa aan ku magacaabay -Sida Tiraab Loo Gamo-TIRAABGAN(Terminology): Waa barashada tiraabta iyo sida loo dirgado.
Waxa aanan intii aan faahfaahinta ku jiray weli ebdhigin, Tiraabta Suugaaneed(The Literary Term): Iyada qudheedu mar waxa ay yeedhaa iyada oo erey qudha ah, marna waxay yeedhaa iyada oo dhowr erey ah. Marka ay tix ku jirto, tixdu waa ay tiraaban tahay, tidic tidic bay u tiraaban tahay. Tiraabaha tixda waxa aad ku aqoonsataa, waa ereyada saanyadka-murtiyeed ee tidicu fadhiyo,ereyga ama ereyadaasi waa kuwa aan hadalmaalmeedka ahayn. Dhan kale waxa jira maahmaaho, oo ah murti. "Intaanad Falin Ka Fiirso!" Waa saanyad-suugaaneed tiraaban, marka ayno tilmaamayno ma dhahayno tiraabo weeye, waa tiraab qudha oo ka kooban ereyo dhowr ah. Waxay ku geyeysiinaysaa saanyad-suugaaneed keliya(One Literary Concept).Sidaas darteed waa tiraab qudha.
Waxa aynu kala saafnay TIRAABGAN(Terminology), iyo EREYBIXIN(Word-Coinage), oo aad moodo in ay dad badan iskaga qasan tahay. Marka aad kala saafato waxa kuu kordhaya saanyad kasmeed aan muhiim u arko, adna aad ila arki doonto.
Jaadad badan oo tiraabeed ayaa jira. Sida aynu soo xusnay tiraabuhu waa sitooyinka waxbarashada ee ardayga lagu dhaadsiiyo xogta la barayo. Sida cad, tiraabta suugaaneed, waa tiraabta ugu guunsan tiraabaha jira maanta. Aqoonta dadku beryihii hore ay tiigsan jireen ee soojireenka ahayd waa suugaanta, oo lahaatay tiraabaheeda. Beriga kan, haatan, waxa jira aqoomo badan, ama kasmooyin badan oo waxbarasho galay, waxa aanay yeesheen tiraabahooda.
Tiraab Kasmeed(Scientific Term):
Tiraab Farsameed(Technical Term):
Tiraab Garneed(Legal Term):
Tiraab Suugaaneed(Literary Term):
Intaas iyo ka sii badan baa jira oo tiraabeed.
Dhan kale ereyga tiraab , waxa uu sugaa MAGAC. Wax la tiraabay, waa wax la MAGACAABAY. Tiraab waa MAGAC nuxur ama saanyad leeyahay. Tiraabo waxay ka dhigan yihiin magacyo. Tiraabee waxay ka dhigan tahay magacee.

Is-hirdi ereyeed: Waxa jiraya is-hirdi ka imanaya sidii kal hore loo gudbadhigay, ereyga TERM ee Ingiriisiga ah, kaasoo loo dhigay inuu yahay TIBIX. Haddii aynu ku dib noqono, af-Soomaaligeenii aynu ku soo hadli jirnay, ama hawraartami jirnay: TIBIX waa dhawaqa ugu yar ee afku ku yeedho, ee gaar loo garwaaqsan karo. Taasi, waxay ku geyeysiinaysaa micnaha Tibix waa waxa af-Carabiga ku ah XARAF. Dooddan waxa qaba, dad aan ka mid ahay. Waxaana marag u ah, dad badan oo kale, oo soojeedintan igu raacsan, dhigaysa sidan:
TIRAAB = TERM
TIBIX = LETTER
Waxa dooddan u tusaale ah, tiraabtan "Hab-dhaqan-dhaqaale-siyaasadeed"-Waa TIRAAB dheer oo ka kooban, dhowr erey, sida aynu soo qeexnay se ah HAL-SAANYAD(One Concept)-Xaga Ingiriisiga waxa la dhahayaa waa "ONE TERM". Ma kula tahay waxaynu dhihi karnaa waa TIBIX qudha?...Adba isweydii haddii ereyga TIBIX uu kuu dhadhamayo!
Waxa aan jeclaa , inaan soo xigto tix, ama maanso lagu dhex adeegsaday ereyga TIBIX, si uu ugu muuqdo micnaha ereygaasu oo uu qof walbaa u dhadhansado. Waxa se aan maqlaa oo weli, adeegsiga lagu dhahaa "Warka nooga tibixsii..!"Waxa ay ka dhignaataa, warka hal-hal noogu sheeg. Waxa aad ogaataa, inaanan saluugsanayn aqoonyahanadii gudbadhigga u sameeyay ereybixintii Soomaaliga. Waxa se aan tilmaamayaa, haddii uu jiro erey gedmaday, waa kan oo kale. Dhankayga waxa aan ku qumanayn karaa, aniga oo ereyga toosan adeegsada.
Halkan waxaan ku soo bandhigayaa: ISWEYDIIN dhahaysa: Soomaalidu erey XARAF u dhigma ma yaqaaneen? Marna ma gaadheen heer aqooneedka ay ku dhaadi karaan waxa XARAF yahay? Iyo in EREY uu XARFO ka kooban yahay? Ma kala dhigdhigeen XARFAHA si ay XARAF walba goonidiisa ugu kasaan?
Jawaabtu waa HAA! Waxa maragfur u ah, suugaantooda ay soo lahaayeen taniyo inta la gocan karo ee la xusuusan yahay. Suugaanta maansadeeda ayaa ku dhisan XARAF gooni loogu tubeeyo, taasuna waa dhaadsanaan iyo garansanaan jiritaanka XARFO. Waa tahaye, haddaba maxay XARAF u yaqaaneen marka aynu ereygan XARAF u celino Carabigii uu ahaa? Waxa kasmabaadhistu leedahay waxay u yaqaaneen TIBIX.
Waxa xilligan danbe jirta, in ereyo Carabiya iyo ereyo kale oo qalaad ay gaasireen ereyo badan oo Soomaali-ah sixin, taasna waxa loo aaneynayaa wax u garan waa'ga dad badan u garan la'yihiin afkooda wax mudan in la bilo oo lagu taamo. Suugaanyahanadu waxay u garanayaan afkooda wax mudan inuu yahay, waxay u garanayaan inuu yahay wax mudan in lagu taamo, waxay u qirsan yihiin jiritaan iyo in la hidde-dhawro.
Qodob kalana wuu jiraa, oo arrinta hore daba-socda. Waxa sida haatanba yar, aan hore u jirin iyadoo af-Soomaaliga aqoontiisa lagu kadab-muto oo foof la moodo. Tusaale, qofka Soomaaliga ah ee Carabiga yaqaanaa waxa uu ahaadaa qof CILMI-DIIN-ka dhigi kara, oo wuxuu ku lahaadaa door-nololeed bulshada dhexdeeda mudnaan siinaya, ka saraysa tan uu heli lahaa qofka Soomaaliga dhigistiisa la soo foof-taga. Waxa uun qiimeyn iyo dhaqaaleyn aan badnayn ku hela qofka gabyaa'ga ah, taasina ma wada daboolayso baahida lagu hidde-dhawri karo af dhan jiritaankiisa, iyo sii jirintiisa.