Waxa ugu horeeya, ee aan soo bandhigayaa waa qeexaalka TIRAAB: Waa
erey ama dhowr erey oo wadajir u xanbaarsan saanyad kasmeed ama saanyad
suugaaneed.
SAANYO = CONCEIVE
SAANYAD-ka = The CONCEPT
SAANYASHO = CONCEIVING
"Ma tiraabin maansooyinkaan
teebgarayn jiraye!"
[Maxamed Kaahin Feedhoole:
Gabay:Tabantaabo Gacal]
Xaga adeegsiga waxa la dhahaa "Ma
tirowday?"/"Ma tiraabtay?" Oo ka dhigan si-sugan ma u sheegtay?.
Waxa in badan yeedhay, in kala-foocsiga
afka loo kala soocsado TIX iyo TIRAAB. Taasi waa halkeeda, waa-na kala-soocid
hordhac u ah afka, ama waa beeqaaq lagu kala saanyado afka. Waxa aan halkan ku
tusmaynayaa, in ereyga tiraab uu leeyahay, micne sii ridan, oo mar uu u taagan
yahay iskii isaga oo aan tix ku jirin, marna tixda lafteeda ereyadeedu tiraaban
yihiin, sida ku cad tidica aan ka soo xiganay gabayga kor ku xusan. Waxa jira
tiraabo aan tibixqaarnayn, kuwaasoo xog lagu tiraabayo. Waxa kaloo jira tiraabo
tibixqaaran oo ku magacaaban tix.
Sida aynu soo xusnay, waxa jira EREY-TIRAABEED,
oo xanbaarsan saanyad kasmeed ama saanyad
kasmeed(Scientific Concept), markaa tiraabtaasu waa TIRAAB-KASMEED. Waxa
kaloo jirta TIRAAB-SUUGAANEED.
"Sida koorta yucub oo la sudhay kormo
buubaala
Ama beelo keynaana oo kor u
hayaamaaya!"
[Gabay; Raage Ugaas]
Ereyga KEYNAAN, ee tixdan ku jiray, waxa
uu galay waxbarashadii lagu baran jiray af-Soomaaliga. Markiisa hore wuxuu ahaa
tiraab suugaaneed, sida uu tixda ugu jiro. Ka dib wuxuu ahaaday tiraab kasmeed,
waxaa loo yeelay qeexniin cad.
KEYNAAN(Velocity): Waa xawaare jihaysan oo
qiyaas leh.Ereyga uu
doona ha ahaado, kol haddii uu erey xanbaarsan yahay saanyi-kasmeed, waxa uu ku
sifoobayaa TIRAAB. Halkaa waxa aynu ku kala garan karnaa, ereyada Soomaaliga,
ee qaarkoodna ku magacaaban yihiin erey sifada ah oo keliya, qaarkoodna ku
magacaaban yihiin, sifada ah erey iyo tiraab.
Marka ay tahay hadalmaalmeedkeena waxa
aynu ku wada hadalnaa ereyo, kuwaasoo ah ereyo yaalaale. Ma dhihi karno waxa
aynu ku wada hadalnaa tiraabo. Tiraabo way soo geli karaan wada-hadalkeena,
marka aynu isu xogaynayno saanyad kasmeed ama nuxur kasmeed(Waa nuxur
cilmiyeed). Waxa aad ogaataa, mar kasta oo la isu xogaynayo saanyad/nuxur, in
la adeegsado tiraabo. Sidaas ayay tiraabuhu uga tilmaaman yihiin afka ay ka
midka yihiin.
Xaga waxbarashada , halged kasta oo la
isbarayo waxa ay yeelataa TIRAABGAN(Terminology), oo yaalaa la dhaho EREYBIXIN.
Tiraabuhu waa sitooyinka
waxbarista(Tools of teaching). Haddii aanuu baruhu tiraabo haysanin
ma gudbin karo xogaha halgedda uu barayo ardayda.
Waxa aynu soo xusnay in hal erey ahaan
karo tiraab. Waxa kaloo aynu xusaynaa in dhowr erey ahaan karaan tiraab.
HEERKUL: Waa laba erey oo isku lakan. Waxa la doonay nuxurka kasmeed ee
TEMPERATURE oo ah tiraab Ingiriisi ah, in la af-Soomaaliyeeyo. Waxa lagu
tiraabay HEERKUL, oo ah EREYBIXIN loo sameeyay. Waxa mudan inaan kala saafo,
labada macne ee EREYBIXIN iyo TIRAABGAN. Ereybixin(Coinage) waa farsamo
afeed jirta, waxa la adeegsadaa marka tiraab af kale ah, la doono in la
Soomaaliyeeyo, loona waayo tiraab Soomaali-ah, oo iskeed ugu dhiganta, sida
Keynaan = Velocity, ama Karaar = Acceleration iwm.
Waxa jira qalabkan oo aan magac ku lahayn
af-Soomaaliga-THERMOMETER, waxa lagu tiraabay ereybixintan HEERKULBEEG. Tusaale
kale oo ku saabsan ereyo tiraab keliya ah:
HAB-DHAQAN-DHAQAALE-SIYAASADEED(Socio-politico-economic-system), waa tiraab
kasmeed, ama saanyad-kasmeed keliya, oo ka kooban ereyo dhowr ah.
Haddaba waxa imanaysa in la isweydiiyo,
keydka ereyada tiraabeed maxaa lagu magacaabayaa?- Ma EREYBIXIN, mise sida aan
anigu qabo TIRAABGAN. Maxaa keenay in aan anigu dhaho TIRAABGAN? -Waa wax la
xidhiidha micnaha TIRAAB, oo aynu soo qeexnay, ka-na faalloonay, weli-na aynu
wadno faalladeedii, iyo faahfaahinteedii. Sida aynu soo xusnay tiraab waa erey
ama ereyo xanbaarsan saanyad kasmeed ama suugaaneed. Erey-tiraabeed ayaa jira,
waa erey saanyad-kasmeed xanbaarsan(Conveying scientific concept), kuma
sheegnaado keliya inuu yahay erey, wuu ka heer sareeyaa,waa erey shilis, waa
TIRAAB. Waxa iyaduna meesha taala, sidee saanyad
loo tiraabaa?- Mar kasta ereybixin lama sameeyo, mar baa afka laga dhex
helayaa erey tiraabeed u dhigma saanyadka tooman. Haddaba sida saanyad loo
tiraabo , ayaa aan ku magacaabay -Sida Tiraab Loo Gamo-TIRAABGAN(Terminology):
Waa barashada tiraabta iyo sida loo dirgado.
Waxa aanan intii aan faahfaahinta ku jiray
weli ebdhigin, Tiraabta Suugaaneed(The Literary Term): Iyada qudheedu mar waxa
ay yeedhaa iyada oo erey qudha ah, marna waxay yeedhaa iyada oo dhowr erey ah.
Marka ay tix ku jirto, tixdu waa ay tiraaban tahay, tidic tidic bay u tiraaban
tahay. Tiraabaha tixda waxa aad ku aqoonsataa, waa ereyada saanyadka-murtiyeed
ee tidicu fadhiyo,ereyga ama ereyadaasi waa kuwa aan hadalmaalmeedka ahayn.
Dhan kale waxa jira maahmaaho, oo ah murti. "Intaanad
Falin Ka Fiirso!" Waa
saanyad-suugaaneed tiraaban, marka ayno tilmaamayno ma dhahayno tiraabo weeye,
waa tiraab qudha oo ka kooban ereyo dhowr ah. Waxay ku geyeysiinaysaa
saanyad-suugaaneed keliya(One Literary Concept).Sidaas darteed waa tiraab
qudha.
Waxa aynu kala saafnay
TIRAABGAN(Terminology), iyo EREYBIXIN(Word-Coinage), oo aad moodo in ay dad
badan iskaga qasan tahay. Marka aad kala saafato waxa kuu kordhaya saanyad
kasmeed aan muhiim u arko, adna aad ila arki doonto.
Jaadad badan oo tiraabeed ayaa jira. Sida
aynu soo xusnay tiraabuhu waa sitooyinka waxbarashada ee ardayga lagu
dhaadsiiyo xogta la barayo. Sida cad, tiraabta suugaaneed, waa tiraabta ugu
guunsan tiraabaha jira maanta. Aqoonta dadku beryihii hore ay tiigsan jireen ee
soojireenka ahayd waa suugaanta, oo lahaatay tiraabaheeda. Beriga kan, haatan,
waxa jira aqoomo badan, ama kasmooyin badan oo waxbarasho galay, waxa aanay
yeesheen tiraabahooda.
Tiraab Kasmeed(Scientific Term):
Tiraab Farsameed(Technical Term):
Tiraab Garneed(Legal Term):
Tiraab Suugaaneed(Literary Term):
Intaas iyo ka sii badan baa jira oo
tiraabeed.
Dhan kale ereyga tiraab , waxa uu sugaa
MAGAC. Wax la tiraabay, waa wax la MAGACAABAY. Tiraab waa MAGAC nuxur ama
saanyad leeyahay. Tiraabo waxay ka dhigan yihiin magacyo. Tiraabee waxay ka
dhigan tahay magacee.
Is-hirdi ereyeed: Waxa jiraya is-hirdi ka imanaya sidii kal
hore loo gudbadhigay, ereyga TERM ee Ingiriisiga ah, kaasoo loo dhigay inuu
yahay TIBIX. Haddii aynu ku dib noqono, af-Soomaaligeenii aynu ku soo hadli
jirnay, ama hawraartami jirnay: TIBIX waa dhawaqa ugu yar ee afku ku yeedho, ee
gaar loo garwaaqsan karo. Taasi, waxay ku geyeysiinaysaa micnaha Tibix waa waxa
af-Carabiga ku ah XARAF. Dooddan waxa qaba, dad aan ka mid ahay. Waxaana marag
u ah, dad badan oo kale, oo soojeedintan igu raacsan, dhigaysa sidan:
TIRAAB = TERM
TIBIX = LETTER
Waxa dooddan u tusaale ah, tiraabtan "Hab-dhaqan-dhaqaale-siyaasadeed"-Waa
TIRAAB dheer oo ka kooban, dhowr erey, sida aynu soo qeexnay se ah
HAL-SAANYAD(One Concept)-Xaga Ingiriisiga waxa la dhahayaa waa "ONE
TERM". Ma kula tahay waxaynu dhihi karnaa waa TIBIX qudha?...Adba isweydii
haddii ereyga TIBIX uu kuu dhadhamayo!
Waxa aan jeclaa , inaan soo xigto tix, ama
maanso lagu dhex adeegsaday ereyga TIBIX, si uu ugu muuqdo micnaha ereygaasu oo
uu qof walbaa u dhadhansado. Waxa se aan maqlaa oo weli, adeegsiga lagu dhahaa
"Warka nooga tibixsii..!"Waxa ay ka dhignaataa, warka hal-hal
noogu sheeg. Waxa aad ogaataa, inaanan saluugsanayn aqoonyahanadii gudbadhigga
u sameeyay ereybixintii Soomaaliga. Waxa se aan tilmaamayaa, haddii uu jiro
erey gedmaday, waa kan oo kale. Dhankayga waxa aan ku qumanayn karaa, aniga oo
ereyga toosan adeegsada.
Halkan waxaan ku soo bandhigayaa: ISWEYDIIN dhahaysa: Soomaalidu erey XARAF u
dhigma ma yaqaaneen? Marna ma gaadheen heer aqooneedka ay ku dhaadi karaan waxa
XARAF yahay? Iyo in EREY uu XARFO ka kooban yahay? Ma kala dhigdhigeen XARFAHA
si ay XARAF walba goonidiisa ugu kasaan?
Jawaabtu waa HAA! Waxa maragfur u ah, suugaantooda ay
soo lahaayeen taniyo inta la gocan karo ee la xusuusan yahay. Suugaanta
maansadeeda ayaa ku dhisan XARAF gooni loogu tubeeyo, taasuna waa dhaadsanaan
iyo garansanaan jiritaanka XARFO. Waa tahaye, haddaba maxay XARAF u yaqaaneen
marka aynu ereygan XARAF u celino Carabigii uu ahaa? Waxa kasmabaadhistu
leedahay waxay u yaqaaneen TIBIX.
Waxa xilligan danbe jirta, in ereyo
Carabiya iyo ereyo kale oo qalaad ay gaasireen ereyo badan oo Soomaali-ah
sixin, taasna waxa loo aaneynayaa wax u garan waa'ga dad badan u garan
la'yihiin afkooda wax mudan in la bilo oo lagu taamo. Suugaanyahanadu waxay u
garanayaan afkooda wax mudan inuu yahay, waxay u garanayaan inuu yahay wax
mudan in lagu taamo, waxay u qirsan yihiin jiritaan iyo in la hidde-dhawro.
Qodob kalana wuu jiraa, oo arrinta hore
daba-socda. Waxa sida haatanba yar, aan hore u jirin iyadoo af-Soomaaliga
aqoontiisa lagu kadab-muto oo foof la moodo. Tusaale, qofka Soomaaliga ah ee
Carabiga yaqaanaa waxa uu ahaadaa qof CILMI-DIIN-ka dhigi kara, oo wuxuu ku
lahaadaa door-nololeed bulshada dhexdeeda mudnaan siinaya, ka saraysa tan uu
heli lahaa qofka Soomaaliga dhigistiisa la soo foof-taga. Waxa uun qiimeyn iyo
dhaqaaleyn aan badnayn ku hela qofka gabyaa'ga ah, taasina ma wada daboolayso
baahida lagu hidde-dhawri karo af dhan jiritaankiisa, iyo sii jirintiisa.
No comments:
Post a Comment