Tuesday 2 December 2008

LABADA TIRAABOOD

Guud ahaan, boggeenani wuxuu ku saabsan yahay, TIRAAB-ta iyo waxa ay tahay. Maqaalka hore marka aad higato waxa uu hordhac u yahay, maqaalada danbe ee ku xigi doona, oo kan na ka mid yahay. Maqaalkan waxa aaan ku soo bandhigayaa jaadadka TIRAAB-ta, kuwo ka mida. Waxa aan tilmaamay oo aan hoosta ka xariiqay inay jiraan TIRAABAHA kan:
1.TIRAAB SUUGAANEED
2.TIRAAB KASMASHEED(CILMIYEED)
3.TIRAAB GARNEED(SHARCIYEED)
4.TIRAAB FARSAMEED
Haddaba waxa tiraabaha oo dhami sidii aan hore ugu carabaabay ay ka soo hireen oo horseed u ahayd TIRAABTA SUUGAANEED. Bulshada ama dad kastoo af lahaa, afkooda aqoonta ugu horaysay ee lagaga taamayay waxay ahayd SUUGAANTA, intii aanay KASMASHO(CILMI)kale ku baranin, sidaas ayay TIRAABTA SUUGAANTU horumood u tahay. Waxa xiga oo wax lagu bartaa TIRAABTA KASMASHADA(CILMIGA). Waxa aan haddaba tusmaynayaa xidhiidhka ka dhexeeya ama ka dhexayn kara TIRAABAHA.
Maahmaadu waa TIRAAB SUUGAANEED, waxa la dhahaa ama lagu heesaa..........................
"Maahmaahdu waa murtiyee
Beentu ay ka maqantee
Mooganahaan ogaynee!"
Maahmaahdu way tiraaban tahay, oo waxay u tiraaban tahay si jabaqreen(RHYME) leh. Waxa yeedha marar ereyo sida maahmaahda loo dhigay, waxa se jira xeer sugaya oo qeexaya waxa maahmaah ah, waxa aan maahmaah ahayn. Marar kale ayaynu ka faalloon doonaa. Balse ila day maahmaahdan maanta: "Togba taagtii/Taaggii buu rogmadaa!"-Waa tiraab suugaaneed, waa na MURTI. Aynu maamsano maahmaahdaas..! Tog waynu naqaanaa waa biyo soo rogmaday, waxa ay ka soo rogmadeen meel yara saraysa. Saraynta meeshaas u fiirso oo dheh TAAG(HEIGHT)-Biyaha na u fiirso oo dheh wax cuf leh (MASS), waxa keenaya rogmashada biyaha na dheh karaar (ACCELARATION). Haddaba waxa jirta FORMULA(SATI), lagu cabiro TAMARTA = mha. Biyahaasi waxay leeyihiin TAMAR KEYDSAN(Potential Energy), tamartooda keydsan waxa ay leeg tahay TAMARTOODA SOCOD (Kinetic Energy)=
Mv2 oo ah (KEYNAAN LABAJIBAARAN * CUF). Waxa aynu goorahanba ku jirnay KASMO(CILMI-SAYNIS) ah FIISIGIS(Physics) -Oo ah halgedda(The Subject) lagu barto TAMARTA iyo cabirkeeda. Waxa aynu ku ogaanay sida uu dhigayo SATI-ga(The Formula) lagu soo saaro TAMARTA- In Tamarta Keydsan ee BIYUHU leeg tahay Tamarta Socod ee BIYAHA TOGGA.
Waa run, waa intii maahmaahdu inoo sheegtay ee ay tiraabta suugaaneed inoo sheegtay "Togba taagtii buu rogmadaa!/Togba Taaggii Buu Rogmadaa!"- Halkan waxa aynu ka yara aragnay xidhiidhka ka dhexeeya TIRAAB suugaan ahaan u soo yeedhay, oo MURTI ah, iyo barashadii kasmashada , taasoo aynu ku gororsanayno WARKAN: Barashada Kasmashadu(Cilmigu/Cilmi-Saaynisku) waxa ay dheeh ku leedahay MURTI-da.


No comments: