Friday 9 January 2009

SAAMEYNTA CARABIGA EE AFKEENA

Waxa jirta saameyn weyn oo uu afka Carabigu ku leeyahay afkeena Soomaaliga.Afafka aduunka ee jira way jirtaa in af dadkiisu ka ilbaxnimo horeeyo uu saameeyo oo uu ku biiriyo ereyo markaas ka maqan afka la saameynayo. Sidoo kale maanta oo dunidu ku jirto oo ay ku tartamayaan dadkiisu ilbaxnimo ,ayaa Soomaalida la dheer yahay, ilbaxnimo gedo badan. Ilbaxnimo farsameed,mid aqooneed,mid dhaqameed intaba waa la dhihi karaa Soomaalida waa la dheer yahay. Ilbaxnimada dhaqameed waxa Soomaalidu tirsataa in Carabtu dheer tahay, taasoo keenta inay Soomaalidu u gurato dhaqanka Carabiga ah ee Islaamnimo. Ilbaxnimada farsameed, waxa ina dheer dadyow aan Muslim ahayn, oo inoo soo sameeya qalabyo aynaan magacyo u lahayn, oo aynu magacyadooda qaadano - Sida: KOMBUYUUTAR,TILIFISHAN,RAADIYOW, ama TILIFOON.Ilbaxnimadaas sanceed ama farsameed waxsoosaarkeedu weli wuu socdaa, welina waa la inaga horeeyaa, taasina waxay sii badinaysaa inaynu ka magacyo qaadano. Dhan kale ilbaxnimada aqooneed,ama kasmeed (Cilmiyeed) ayaa iyaduna inagu soo biirisa ereyo magacyeed oo aynaan hore u lahayn qaarkood - Sida:FIISIGIS,KIMISTERI,JUGRAAFI iwm, marna HAYDAROOJIIN,OGSAJIIN iwm.
Intaba waxa ugu saamayn weyn, ilbaxnimada dhaqameed, oo ku qotonta DIIN-ta,taasoo aynu ka xog-qaadano kasmada diinta Islaamka, oo ku tiraaban af-Carabi. Waxa dadyow badan oo afkooda saameynta ka ilaaliya ay sameeyaan GOSHI(AKADEEMIYAD), ka ilaaliya in afkoodu asal guuro,Goshigu waxa uu qabtaa hawlaha EREYBIXIN-ta, iyadoo aqoonyahannada afkaasu u hidinayaan bulshadooda ereyo ay isku raacaan inay u dhignaadaan kuwa qalaad ee afkooda geli lahaa. Ka dibna maamulka iyo warbaahinta ayaa shaacisa,oo hirgelisa ereyadaasi la hidiyay. Xilliga haatan, way jiraan xubno bulshada ka mida oo ereybixin sameeya, balse waa xubno aan meel wada joogin oo ku kala filiqsan aduunweynaha, marna aan xidhiidh wadajireed wada lahayn,oo aan goshi u samaysnayn. Mid walbaa ereybixinta uu sameeyo waxay u jirtaa gaar,oo maaha wax isku-raac leh, hirgelinta iyo shaacintuna waa qeyb kale oo ka cilaalan erey-hidiyayaasha. Waxa aan tuducan ku bilaabay, saameynta Carabigu ku leeyahay Soomaaliga. Waa mid aad u sii ridan,oo aan ereyada Carabiga ah, si fudud looga midha-saari karin af-Soomaaliga.
Dad kasta oo jiraa,marka ay talo leeyihiin, waxa jira talameel(POLICY)ku aadan arrimaha afkooda oo meel u yaal. Bulshadeena haatan Soomaalida ah, ma jiro talameel ay ka leeyihiin afkooda. Talameelku waxa uu qaabeeyaa,sida afkooda ay u ilaalinayaan ahdiisa ama haybtiisa. Waxa aan taas uga jeedaa, afka Soomaaliga, haddii erey kasta oo qalaad lagu midha-darsado waxa liinbaxaya ama maydhaanmaya isirkiisii uu ku ahaa af gooniya oo ka baadi-soocan afafka kale. Maxaa-yeelay, af waa EREYO, haddii ereyadiina ka noqdaan ereyo qalaad, waxa la waayayaa ahdiisii,ama haybtiisii iyo sinjiyadiisii gaarka uu ku ahaa.
Maqaalkan surmadiisu waxay ahayd;SAAMEYNTA CARABIGU KU LEEYAHAY SOOMAALIGA: Waxa aynu soo xusnay in saameynta ugu weyn ee afafku ku leeyihiin Soomaaliga, ay ugu weyn tahay tan Carabigu ku leeyahay Soomaaliga, taasna waxa ugu wacan, iyadoo ilbaxnimada dhaqameed ee Soomaalidu u gurataa ay ku taalleysan tahay af-Carabi. Waxa ay Soomaalidu dhaqan ahaan u xigataa Diinta Islaamka, oo duruusteedu ku taalleysan tahay af Carabi. Taasi, waxay keenaysaa in ereyo badan oo Carabi ah, af-Soomaaliga soo galaan. Waxa talo ahaan, aan u soo-jeedinayaa, sidii xeedhana xeedho ku ahaan lahayd,ilkana ku nabad geli lahaayeen! Oo ah, in ereyada aan af-Soomaaliga lagu haynin ee ka mida duruusta Islaamka, ay Soomaalidu qabatinto oo afka Soomaaliga lagu midho-daro. Balse si loo ilaaliyo Soomaaligana, ereyada Soomaaligooda la helayo iyaga la soo xigto oo lagu jeediyo duruusta Diineed oo la bixinayo, oo aan ereygii Soomaaliga ahaa la naafeynin, maxaa-yeelay, haddii la adeegsan waayo ereyga Soomaaliga ah, waa uu naafoobayaa, oo afka wuu ka libdhayaa, taas in maanka lagu hayo oo aan la iloobin, lana fudeydsanin aqoonta afka oo ah,lafdhabar oo kale, marka la isweydiinayo ahdeena dadeed, ama haybeetana dad ahaaneed.
Waxa jiri kara dad aan u arkaynin, muhiim af-Soomaaligaba, oo ku dhahaya Carabiga ayaa ka muhiimsan. Haa! Carabigu waa muhiim,marka ay Diinta Islaamku ku taalleysan tahay. Af-Soomaaliguna waa muhiim marka bulsho dhan haybtoodu ay ku taalleysan tahay, afku waxa uu ka mid yahay, waxyaabaha haybteena aheeya ama ekeeya, waa ayaandarro in qof uu noqdo haybtii garan-waa'. Waxa uu Eebbeh, ku tiraabay Al-Qqur'aan-ka "Waxa Ka Mida Tusmooyinkiisa(Aayaadkiisa)Ahbuurta Koraysyada Iyo Dhulka Iyo Kala Duwanaanshaha Afafkiina(Ahdeedyadiina/Laqadyadiina) Iyo Midabadiina.."[Deerka-Al-Ruum:Tusmada 22-aad]- Halkan waxa aan ku tigaalayaa, in afafku yihiin TUSMO(AAYAD) EEBBEH ina tusayo, marka hore ereyga AAYAH! waa wax la ina tusayo. Haddaba haddii aynu aqoonsan wayno tusmadaas waxa aynu gabnay xikmad Rabaaniyah!..Waa haddii aynu u arki weyno, afkeena wax mudan in la qiimeeyo, oo muhiim ah. Halkaas waxa aan ku soo gunaanadayaa, qeybtan ku saabsanayd saameynta Carabigu ku leeyahay af-Soomaaliga. Oo aan gundhiggii leeyahay, ha laga yeesho talameel ku aadan arrintiisa afka marka la jirinayo ee la doonayo inuu af sii ahaado jira, oo tirsan.


No comments: