Thursday 22 January 2009

HABABKA EREYBIXINTA

Hababka EREYBIXIN-ta isla-markaasna ah - Wax-Tiraabid, ayaa aan maqaalkan ku soo bandhigayaa. Waxa la tiraabaa SAANYAD(CONCEPT) ama NUXUR. Haddii saanyadka kolkaa jira erey lagu tiraabo, hore loogu waayo , ayaa ay EREYBIXIN-tu timaadaa. Ereybixinta af-Soomaaliga oo keliyi ma laha, Carabiga waxa lagu dhahaa AL-ISSTDILAAX ---[ Mustdalix Carabiya: Qqinaath = Qq= Qqalaa'id: N=Nusuk: Th-Thaqqaafah = Qq*N*Th = Qqinaath = Culture = Dhaqan], Ingiriisigana waxa lagu dhahaa WORD-COINAGE. Tallaabooyinka la qaado, marka ereybixin la samaynayo ayaa aan hal-hal u tusmaynayaa.
Waxa aad ogaataa, ereybixin kastaa waa tiraab, balse tiraab kastaa ereybixin maaha.
1. DOOYEYSI(Assimilate): Waxa aan ku magacaabay, ama ku tiraabay, hawsha ugu horaysa ee la qabto, marka erey ama tiraab, af kale laga soo gudbadhigayo. Waxa afka nuxur-qaataha ah, laga dhex raadiyaa erey ama tiraab u macne-dhiganta. Waxa la isweydiinayaa SAANYAD-kaasi ama nuxurkaasi muxuu afkeena ku noqonayaa? Tusaale - Waxa jiray ereygan ka mid ahaa Tiraabganka Tubaabta(Terminology of Mathematics) ee Ingiriisiga oo ah:- ANGLE. Waxa af Soomaaliga lagu gudbadhigay ama lagu tiraabay XAGAL. Adeegsiga afka waxa la dhahaa "Xaglo Laaban Xoollo Kuma Yimaadaan!", waa maahmaah. Inagu waxaynu uga gol-leenahay ereyga xagal ee u eg, wixii lagu tiraabay ee ahaa ANGLE. Gacanta Aadmiga ayaa inta laabanta ay tahay XAGAL, taasi waa gudbadhigis ku habboonaatay, oo waa la helay ereygii ama tiraabtii u dhigmaysay ANGLE.
2. LADHKAB(Combination): Haddii tubta hore ee aynu soo xusnay lagu waayo erey lagu tiraabi karo, erey-tiraabeedkii horanaa(Source Word), waxa la yeelaa, tubtan labaad, oo ahaatay, laba erey ayaa la isku ladhaa, ama daraa, halkaasoo uu ka soo baxo erey nuxur qaadeen ah, tusaaleyaal hore u hirgalay:- UNIT oo lagu tiraabay ereybixinta ah -HAL+BEEG, [tiraabta UNIT, xaga tiraabganka Ciidanka waxa kaloo ay ka ahaataa UNNUG-ta~Unnugo-ha: Yaanay kaaga laaqmin CELL oo ahaada UNUG-ga ~ UNUGYO-da]-.
THERMOMETER = HEERKULBEEG-ga ; TEMPERATURE = HEERKUL-ka ; -Ereybixinnada tubtan ku yimid waa ay badan yihiin, oo waa aad ka helaysaa tiraabihii waxbarashada la af-Soomaaliyeeyay, todobaataneeyadii.
3. NUDUBAYN(Affixation): Tubta seddexaad waxa ay isku dartaa, erey iyo nudub(affix), oo ah tibxo aan iskood erey u ahayn,balse suubmeeya macne cusub marka ay erey ku hordarmaan, dhexdarmaan, ama ku danbadarmaan. Waxa la dhahaa HORKABME(Prefix), DHEXKABME(Infix), iyo DIBKABME(Suffix). Tiraabaha ama ereybixinnada tubtan ku yimid kuma ay badna, ereybixintii la sameeyay, kalhore, kolkaa waxaan tusaale u soo qaadanayaa-
GRAVITY = CUF+IS+JIIDAD-ka( Halkaas waxa ku jira dhexkabme ama nudubka IS).
Nudubada af-Soomaaligu waa ay badan yihiin, waxa ka mida QOR oo lagu daro DIBKABME-ha AAL~ [QORAAL]= WRIT. iwm.
4. MINTIBXAYS(Acronym): Tubtan afaraad, waa tub afaf badani yeelan karaan, oo af-Soomaaliguna ka mid yahay. Waxa tiraab dhowr erey ka kooban, laga soo minqaataa tibix ereygiiba, halkaasoo uu ka soo baxo erey MINTIBXAYS ah. Tusaale, Ururabanka+Cadaaladka+Iyo+Daryeelka ~UCID waa ereybixin magaceed cusub, ama tiraaban oo dhadhansi ku yeeshay afka. Ingiriisiga aad baa ay ugu badan yihiin ereybixinnada jaadkaas ahi, Soomaaliga se si rasmiya ugu-ma badna: Sida tusaalahan kale ee Xafiiska Arribaha Sowraca Iyo Socdaalka oo marka la mintibxeeyo ah XASIS.
5.SOO-AMAAHSI/ERGEYSI(Word-Borrowing): Waa marka afarta tubood ee aynu soo aragnay lugu sudi waayo ereybixin tiraab ahaata, ayaa erey tiraab qalaad ah, sideeda loogu afdarsadaa. Tusaalayaal badan baa la helayaa: - Sida magacyada HALGEDDAHA(Maadooyinka)- Fiisigis = Physics- Kimisteri = Chemistry - Baayooloji = Biology.

No comments: