GUDBOONDHIGGA
Waxa suraabkan magaciisu ahaaday gudboondhig, uu ka waramayaa ama
ka xogbixinayaa kasmada ku aadan marka laba af loo kala xog gudbinayo, ama isla
hal af taasi ka dhex suuroobayso. Waxa ugu horaynba gudboondhigga oo ah magac
guud uu ka kooban yahay seddex laamood.
1. Gudbandhigga(Translation):
Waxa weeye marka laba af xog qoraal ah loo kala gudbinayo. Haddaba
jaadadka gudbadhiggu waxay kala yihiin, shantan jaad:
1.1. Gudbandhig Kasmasheed(Scientific Translation):
1.2. Gudbandhig Farsameed(Technical Translation):
1.3. Gudbandhig Garneed(Legal Translation):
1.4. Gudbandhig Danhawleed(Business Translation):
1.5. Gudbandhig Suugaaneed(Literary Translation):
Waxa aan tusaale u soo qaadanayaa tiraab suugaaneed, siiba tiraab
murtiyeed oo ah maahmaahdan Ingiriisiga ah, oo loo gudbadhigay ama laga dhigay
maahmaah Soomaaliya: “Look before you leap! = Intaanad falin ka fiirso!”.
2. Afcelinta(Interpreting):
Waa marka laba af xog loogu kala gudbinayo si oraf ah, oo aan
qornayn, ama aan qoraal ahayn. Gees kale waxa jirta
2.1- Tilwarinta/Tilbidaadda/Faahfaahin(Interpretation)-
oo ah ka faallood, ka warfaallood, ama ka intifaallood, sida tilwarinta
riyooyinka. Tilwarintu way ka duwan Afcelinta, maxaayeelay waxay ka dhex
suurowdaa isla-af dhexdiisa.
2.2- Codfurka(Vocal
Decoding): Jaadkan waxa uu ku aadan yahay, odhaahyada luuqi saaran
tahay, ama laashiman – Sida odhaahyada heesaha ama maansooyinkaba. Waxa uu qof
doonaa in loo codfuro midho hees lagu heesayaa yihiin, si uu qofku si furfuran
ugu dhaato ereyada heesta. Da’yar badan baa haatan doona in codfur loogu
sameeyo midho laashiman(LAXAMAN) oo aan ku dhaadan karin sida loogu luuqaynayo
daraadeed.
3. Tibxabeegga(Transliteration): Arabic Somali Transliteration
Waxa aan tusaale u soo qaadanayaa tibxabeegga Carabi-Soomaaliga,
oo ah sidatan:
1-A = ٲ ALIF
2-I = ٳ ALIF
3-U = ٱ ALIF
4-B = ݕ
5-T = ٺ
6-Th = ث
7-J = ج JIIM
8-X =ح
9-KH=خ
10-D = د DEEL
11-DT= ذ DTAAL
12-R =ر
13-Z = ز ZEEN
14-S = س SIIN
15-SH= ش SHIIN
16-SS = ص SSAAD
17-DD =ض DDAADD
18-TD = ط TDAAB
19-TT = ظ TTUN
20-C = ع CAYN
21-Q = غ QOYN
22-F = ف
23-QQ = ق QQAAF
24-K = ك KAAF
25-L = LAAN ل
26-M = م MIIM
27-N = ن NUUN
28-W = و WOOW
29-H =HAAL ھ
30-Y = YOW ي
Af-Carabigu waxa uu ka kooban yahay 28 tibxood oo mid walba aste u
gaarra leedahay iyo dhawaqtooyo u gaarra. Aste(Character)-waa summadda tibixi
qoranto.28-ka tibxood giddigood waa shibbaneyaal, maxaa yeelay af-Carabigu
wuxuu leeyahay seddex shaqal. U-fiirso: Marka LOO-TIBXABEEGO - Carabiga -Soomaali : Waxa uu ku yahay Far-Soomaalidaas 30 TIBXOOD
Af-Soomaaligu waxa uu ka kooban yahay 26 tibxood, kuwaasoo ay ku
tirsan yihiin shanta shaqal ee af-Soomaaligu leeyahay. Tibxayaalka Far-Soomaaligu(The Somali Alphabet)-waa sidatan:
A,E,I,O,U,B,T,J,X,KH,D,R,S,SH,DH,C,G,F,Q,K,L,M,N,W,H,Y.
Waxa jira oo aad arkaysaa seddex tibixood oo laba aste oo isku
lamaan ama se isku lakan ah oo u taagan tibix-ahaan -Kala ogow TIBIX iyo ASTE–waa KH,SH iyo DH.
Balse ogow waa tibxo gaarra, oo dhawaqtooyadooduna ka gaar tahay kuwa kale.
Waxa jirta tibaax laga wada helo asteyaasha tibaxaha Soomaaliga oo dhan:
SHIIKHA WIILKIISA CURAD GABADHUU QABI JIRAY FOOX LA’AAN MA HEESTO!
Tibaaxdan waxa wada-taawiyay, laba waxbare oo kala ah: Cali Cabdi Xirsi iyo Cabdi
Yaasiin Faarax.
Waxa aad ogaataa sidaas aynu soo aragnay ee Carabigu u leeyahay
tibxaha dhawaqyada qaar ee aan Soomaaligu ugu lahayn tibxo, in Soomaaliguna u
leeyahay, dhawaqyo tibixeed aan Carabiga tibxo ka ahayn. Kuwaasina waa kuwan:
DH-da:
Guud ahaan, af-Carabiga haaneedka ah, kuma jirto, sidoo kale
laqbeyaasha Carabiga ee haatan ka kala jira dalalka Carabta laguma yeedho DH-da.
G-da:
Af-haaneedka Carabiga kuma jirto oo laguma yeedho G-da.Waxa se lagaga yeedhaa laqbe
ahaan, dalal badan oo Carbeed, sida Massar, iyo dalalka gacanka Carbeed,
ku-yeedhista G-du waxa ay u
taagnaataa Jiim-ka waa xaga Masar. Balse, xaga dalalka gacanka Carbeed Qqaaf-ka
ayaa G-du u taagnaataa.
4 comments:
Bariido san,
Doorkanna aad iyo aad ayaan ugu riyaaqasanahay sida heerka sare ah ee aad qoraalkan u gurgurisay*.
Haddii aan kaa sixidsiiyo, xarfaha ط iyo غ waxa ay kala leeyihiin tibxabeegga Soomaaliga ah ee Dh iyo G --- sida ku cad meerisyadan:
(1) Dhaasiin waa la akhriyaa;
(2) Haddaad gabay nin shaacira ku tahay, goynka ka higgaadi
--- mana noqon karayaan "Td" iyo "Q". Tusaale kale ka eeg magacyada suurahada kutubka Quraanka ee tibxabeeggan.
Haddaba, sida jirta, tibxabeegga ay laba afi wadaagaan, oo aan ka madax bannaannayn sida laqbayaasha af walba loogu kala gedisanyahay, waxa laga eegaa laba dhinac; sida: Soomaali-Carabi iyo Carabi-Soomaali. Waxaanad labada dhinac ee tibxabeegga Soomaaliga iyo Carabiga ka dheegan kartaa halkan. Waanad i sixi kartaa haddaan wax is daba weydaariyey.
Sida kale, waa in aan ogaannaa in af-Soomaaligu leeyahay tibxo aan lahayn aste, balse ay tibxahani la dhawaqtooyo yihiin tibxayaal aste leh oo af-Carabi ah, sida: ذ. Tusaale, ADEER oo ku saxsan dhawaq ahaan: Adteer. [Balse waa in mar walba "dt" hal xaraf loo aqoonsadaa, haddii kale dad "ad-teer" leh ayaa dhici doona sida ay u dhici karayso, balse aan marnaba dhicin, dhihista: ad-higa oo runtii ah adhiga.]
Ugu dambayntii, waxa aan kugu boorrinayaa in aad qoraalladaadan mucda weyn leh sii faahfaahiso, oo aad sii hufhufto, dabadeedna "kulanshe" (buug) aad soo saari doonto hadduu Eebbe idmo ugu gudbiso guddiga qalinleyda Soomaaliyeed, si ay xogtaadani waxbarashada bulshadeenna meel weyn uga gasho. Dabcan taasi waa hawl aad u culus, balse waa hawl baahi weyn daboolaysa, ee haddii aad hawshaas ku guda jirto iyo haddii aad guda-galaysoba Eebbe weyna ha kula-garab-qabto.
Aad baad u mahadsantahay,
Idiris M. Cali
---
* Macnaha aan eraygaas ka wato waa sida uu ugu jiro meeriska: "U gurguri sidii gaaridoo, garawna haw daynin."
Mahadsanid Idiris, sida wanaagsan ee aad iigu soo warcelisay, ee aad iila qaadaadhigtay, aad baan kuugu qadarinayaa. Waxa tibxabeeggu u taagan yahay, in la kala summaddaysto Carabiga tibxiisa ujeedadaas ayaa ugu weyn. Oo shanta iskaga qasan Soomaalida ee Carabiga ah- Sida Ddaaddka ,Deelka,Dtaalka,Tdaha,Iyo Tta-da ay u sugnaadaan summaddo ahaan. Ereyga ADEER waxa uu gelayaa baab kale oo ah ETYMOLOGY(Isir-raadin Erey): Dad baa dhaha waa AH+DEER kii igu deernaa.
Mar kale ayaan kuu mahadnaqayaa, waxaanan insha Allaahu, sii wadayaa inaan ka wada faalloono oo si ka sii faahfaahsan aynu isula qaadaadhigno
Seid Abdi
Salaama,
aad baan ugu mahadcelinayaa Tiraab walaalkii sameeyay iyo inta kale ee faallada ka bixisay qoraalkan. Runtii waa hab cusub oo haddana xiise leh sida qoraalkan loo sameeyay. Waxaan bogaadinayaa shaqadan waxana ku talinayaa in buug la geliyo si looga wada faa'iideysto
Mahadsanid: SHAAKIR MUXAMED: Waad ku soo biiri kartaa XERTA TIRAAB: Waxa aanu u gol-leenahay in Gudbandhigga EREYGA "TERM" uu ahaado TIRAAB, Accent-ka ama jawaqa Soomaaliga waxa la dhahaa "TEERAM": Si loo sameeyo milsimaad ku aadan Somali Terminology(Tiraabganka Soomaaliga): Ereyga TIBIX na uu u ahaado A LETTER(LITH):
Post a Comment