Monday 3 December 2012

ARRIB WAR IYO ARRINKII..!



ARRIN-WAR IYO AHMIYADII..!:

QEEXNIIN: War guud ahaan waa waxyaabo dhacdoomay ama waxyaabo dhacdooyin-jira-ah iyo soo sheegistood..!

*WAR WAA OGMO LA SHEEGMEEYAY..!

*WAR WAA XOG LA SHEEGMEEYAY..!

DHACDO: WAA  AF AMA ADIN LABADABA WIXII KA QABSOOMA

  Nin War  Ku Siiyay Wax Ku Sii..! [Maahmaah /Proverb]

WAR BEENI WUU KU HODAA AMA KU ANBIYAA /JAR BUU KAA RIDAA!

SIDA SOOJIREEN: QOF KA WARAMA EE SI WARGALEENNIMO U WARAMA WAXA LOOGU DUCEEYAA “WARKAA HA JIRO!”, “WIILKAAGA WIILKIISU KUU XIIR!”
SIDA CURFIGA AH:
WARMOOGE/WARLAAWE WAA DHEGWEYN WAA NACAS IYO MAGACYO KALE
WARGALEENKA IYO XOG-OGAALKU WAA FARIIDO WAA FIICLEYAAL

AFKA_CARABIGU WUXUU LEEYAHAY LABA EREY-WAR: *NA’BA /ANBAA’ & *KHABAR/AKHBAAR

Waxay kala yihiin ANBAA’ = OGMOOYIN/WARAR , WAR na waa la dhihi karaa!
AKHBAAR = Waa XOGO , WAR na waa la dhihi karaa!
AL-KHABIIR = OGEEB-ka
Al-AKHBAAR = OGOR-KII
AL-ANBAA' = WAR-KII

HABABKA WARAR LOO KULANTIYO:[WAYS FOR GETTING NEWS]

1.WAXA JIRTA:
 NUBUWA’ =PROPHECY/GARABDAAR [Waa Qof Xikmad Diineed Rabi Ku Warsiiyo]: [NEBI = PROPHET] : Soomaalidu NEBIGA- NEBI baa ay dhahdaa, oo erey Soomaali kale uma jiro- waxaa na ictiqqaadku(Wacdigu/ETHOS) yahay “Laa Nebiya Bacda Muxamed SS.C.S.”= Nebi kama danbeeyo Muxamed CALEEH SSALAWAATU WA SALAAM><><><>
NEBI = Warhayeen/Waa OGMOHAYEEN/Ama waxa kaloo loo magac bixiyay WARSIID – Ogmooyinkiisa ka kulantiya Eebbeh, iyadoo ogmooyinka ama warka ay u keenaan malaa’ig, ama ku kulantiyay si kale oo ah habjireed loo yaqaan TA’WIIL.

2.WAXA JIRA:
WARCURAAF= Soothsayer-news  [Dad baa ku laqbuda inuu la goon(Category) yahay NUBUWADA/THE PROPHECY]
WARMOORRO = WAA WARARKA UU ISKU SIIYO FAALIYE OGAALKIISA FAALIYENIMO.[News Got By Rendering The Outcome Of Probabilities Given By The Prediction Tools]
MOORRO = PROBABILITY = IXTIMAAL

3.WAXA JIRA HABAB RAADIF AH(Caadi Ku Sheegan):

WARKA OO DADKA UU QOFKU YAQAANO UU KA TOYDO
SIIBA DADKA UU WARSUDNAAN(NEWS CERTAINTY) UGA BARTAY KUWAASOO KALSOONI UU KU QABO

WAR WUXUU RABAN YAHAY SUGNAAN AMA SUDNAAN = News Quest Is It’s Certainty!
QOF IYO SIDA WARKIISU U SUGAN YAHAY AMA UU U SUDAN YAHAY WAA WAX KU XIDHAN HABKA AMA SIDA UU U SOO WAR-XIGTO IYO IN SIDAAAS LAGU KALSOON YAHAY, CIDDA UU KA SOO WAR XIGTO IYO IN LAGU KALSOON YAHAY, BIXILLODA AMA ILAHA UU KA WAR HELO INAY YIHIIN ILO LAGU KALSOON YAHAY.

WAR SIISIGIISU WUXU YAHAY HA SUDNAADO/SUGNAADO!

·         Haddaad WARDHUGAD ka kulantido..!
·         Haddaad WARGEYS ka higato..!
·         Haddaad ARSHAAC /REEDYOW/RAADIYO ka dhegaysato..!
SIDAAS IYO WARHEL WACAN..!






Bog Hoy = Home Page
Bog-galsheed = Blogspot
Daraare = Compilation/Editorial
Daraareeye Guud = Editor-In-Chief
Dhanbaal = Post
Dhanbaal Jacnabaatiya[DHANJAC] = Electronic Mail [EMAIL]
Hawaalo-waran = Self-news-commenting
Iska-warhayn = Keeping in touch
Isu-warhaye = Having Self-awareness
Isu-warhayn = The Self-awareness
Kalawarbogasho = Communicating
Kala-warhel = News exchange
Kalawarqaadasho = Communicating
Ka-warbixiye = Reporter
Ka-wardhowr = To wait for news to come out
Ka-wardoon = To go for getting news
Ka-wargeyn = Passing information from.and.To
Ka-warhayn = Taking care of…
Ka-warhel = Get informed
Ka-warkeen = Test by yourself
Ka-warqabid = To remain informed
Ka-warsug = To wait for news to come out ...
Kobgalsho = Website
Ku-wargeli = Inform him/her with…
Ku-warhel = Realise/Realised
Shirwareed = News Conference
Soo-warso = Go and ask
Soo-warxuuraan = Go for news gathering
Tafatire /Daraare Guud = Editor In Chief
U-wardirasho = SOS
Waaxiyadda Dhanbaalka Iyo War-isgaadhsiinta = Ministry Of Post And Telecommunications
WACAAL = WAXMARAG = FORENSIC
Wacdi = ETHOS[Wararka Ku Saabsan Murtida Ama Arrimaha Diinta]
Wacyigelin = Guidance
War-Arshaac = Radio-News
War-WARDHUGAD = TV-News
War & Wacaal = News & Clue
Waraanwarin/Waraanwaryeyn = Narrating
Waraanwariye = Narrator
Waraanwaryo = Narration
Warar Dalalkabaxsan = International News
Warar Kanbal = Local News
Waraysi/Xogwaraysi = Interview
Warbaahin = Media
Warbaahiye = Broadcaster
Warbaan = State...Something/WARBAANNO = STATEMENTS 
Warbaanid = Stating
Warbaani-ga = News State Man [ Afhayeen]
Warbixin = Report
Warcaan = Legend [Qof caan noqday oo waxsheegyadiisa ama warkiisa dadku hadalhayo]
Warcelin = News Feedback
Wardhugad = Television
Wardhugadtayn = Televising
Wardhugadtaysan = Televised
Warduumo = Propaganda
Warduumo ku furid… = Airing propaganda against…
Warfaa = NAME(Good Omen)
Warfaafin = Media
Warfaalleyn = News commenting
Warfaallo = News comment
Warfidiyeen = Journalist
Wargaleen = Well informer
Wargeeye = Informer
Wargelin = informing
Wargeys = News paper
Warbulsho = Social Media!
Wargudasho = Communication
War-isgaadhsiin = Telecommunication
Wariye = Newsman/woman/Correspondent
Wariye/Warfidiyeen Baarfuran = Freelance Journalist
Warlaawe = Lacking news or information
Warlalis = Transmission
Warlaliye = Transmitter
Warmooge = Lacking news or information
Warmurtiyeed = Statement[ WARBAANTOOYOH]
Warsame = NAME(Good Omen)
Warsan = Good news! : FEMALE NAME(Good Omen)
Warsasho = Confirming from…
Warsaxaafadeed = Press Release
Warshaacin = News Airing
Warshaxan = Cartoon/ Caricature
Warsheeko = Tale-telling [like a town tales telling].
Warso… = Ask for…
Wartaar/Dhawaqtaar = Telegraph/Telex/Telephone
Warxamo/Warxamooyin = Rumour
Warxuuraan = News gathering
WAR-WADAAD: Seddex-warwaarood ayaa jira: 
1.Warwaarta ah JAAHA EEBBEH Jalla Jalaaluh-2. Warwaarta JANADA - iyo 3. Warwaarta CADTAABTA
Xaanshi-taar = Fax/Facsimile
Xafiiska Dhanbaallo-da = Post Office
Xogwaraysi = Interview

SEID A. ABDI

4 comments:

Anonymous said...

Siciid, Arrintan aan ku hawlantahay waa mid aad u qiimo badan,dhibka ugu weyni dadka af-SOMALIGA ku hadla ku hadalka AfSoomaliga iskuma hawlaan qaarkood gaar ahaan Siyaasiyiinta,qalabka warbaahinta oo fidiya ereybixin aan haboonayn ama af-shisheeye ah Tusale hadaan soo qaadano maalmahan waxa socda erega MURAAQIBIINTA doorashooyinka horena waxa soo baxay NAQDI,HAY'ADAHA MAXALIGA,DALLADDA,DIKREETADA(oo laga wado wareegto) markaa haantu guntay ka xumaatay. AF-Somaaligiina ma laga dhigay LUQAD-SOOMAALI.FUAD Maxamed CALI DARWIISH e-mail:c33me@aol.com

Anonymous said...

Boowahay Fu'aad!
Aad baad ugu mahadsan tahay, faalladaadan kooban, iyo tilmaamta aad waxyaabaha qaar iga siisay. Waxa habboon, in marka AF-RASMIYA la doonayo, kaasoo ku habboon in xubnaha dawladda u adeega oo dhami qabatimaan, waa lagama-maarmaan in tiraabo Soomaali ah ay u hidiyaan. Si ay u muujiyaan haybta afka, oo ah waxa dad ama qaran ama dunji-dadkaasu yihiin lagu aqoonsanaayo.
Mahadsanid
SEID ABDI

TIRAAB said...

KABAXAY

TIRAAB said...

DHANJAC = EMAIL = IIMAYL