Friday 13 July 2012

TIRAABO MAGACBIXIN AH



 MAGACBIXIN:

KASMO:  waa magac guud oo  ku aadan, aqoon walba oo la barto.
1.     Kasmo: Waa guud ahaan kasmooyinka la barto: Waxaa ka mida Kasmooyinkaas:- TUBAAB-ta/TUBAAB-ka(The Maths/Mathematics): SABATOON-ka(GEOGRAPHY): FADALJEER-ka(HISTORY): AF-ka(THE LANGUAGE) . Labada kasmo ee badi waxbarashada loo kala fooceeyo laguma daro , AFKA Ama Se AHDEEDKA iyo TUBAABTA maxaa-yeelay waa halgedo fure u ah, waxbarashooyinka oo dhan, siiba garashada afku waa aasaasi, oo af aqoon la’aantiis waxbaristu suurtagali mayso.  Afka Ingiriisugu KASMO iyo KASMASHO labadaba waxa uu dhahaa SCIENCE.
WAXBARASHADA ASAASIGA AH: Waxaa loo kala foocdhigaa LABA FOOC.
2.     Kasmo Taawo:(Cilmi-adab): Oo ah barashada TAAWOOYINKA(THE ARTS):
Marka waxbarashada asaasiga ah ee dugsiyeed oo ku siman DUGSI-SARE laga soo gudbo, ee loo gudbo waxbarshada hilgan(Further/Adanced Education): Waxa la bartaa:
Taawooyinka Libraaran:(Liberal Arts): Oo sida haddeeran(Modern-time):
- Literature = Suugaanta(Qornaanlaha)
- Languages = Afafka
- Philosophy = Murtimeerka
- History = Fadaljeerka
- Psychology = Kasmo-nafsiga

Marar kale waxa loo kala foocdhigaa, isla sida aynu soo xusnay, balse waxa lagu magacaabaa HUMANITIES = Dadnimooyin-ka: Kolkaas waxa ka mida:
Anthropology = Irdadka/?
Cultures = Dhaqamada
Law = Gardhaha
Linguistics = Yahaftanka
Waxa kaloo barashada HUMANTIES-ka = Dadnimooyinka: Ka mida:
Barashada TAAWOOYINKA ARKOON = Visual Arts: Sida 
Theatre = Golatoonka
Music = Mashdhaca
Iyo TAAWOOYINKA TAABAGUDAN = Performed Arts:
Sida : 
Acting/Plays/Drama e.tc. = Jilitaanka/Ruwaayadaha/Majaajilada iwm.

3.     Kasmo Kasmasho:(Cilmi-culuum): Oo ah barashada KASMASHADA(THE SCIENCE): 
--------------------------------------------------

Waa ay jirtaa WAXBARASHO HILGAN(ADVANCED): Waxaana la dhihi karaa waxbarasho sare.

Halgedaha ama MAADDOOYIN-ka , haddii magac Soomaali loo bixiyo, maxaa faa’ido ah ee ku jiri karta?
 Waxa ay door wanaagsan ka ciyaartaa taasu, habka fahamka ee ardayga ee halgedda(Maadadda) laftirkeeda. Afku waa xubin ka dheehan, dhaqanka ama hidde-ha – Ardaygu markuu ku  garowsado afkiisa halgedii oo ugu magacaaban erey ama tiraab uu dhaadan (fahmi) karo, waxay u tusmaynaysaa in xogta halgeddu aanay ka gudhnayn hiddehiisa dhaxaleed iyo dhaqankiisa astaameed.

I.TAAWO:  waa shan laamoon:
1.     Taawo Dhaqan(Cultural Art): Oo lagu magacaabo HOOBAALO-(Folklore).
Hoobaaladu waxa ay ka kala kooban tahay DHAANTO(oo ah magac guud oo ay wada leeyihiin, dhamaan qoobkaciyaaradu, balse dhaantada aan magac gaara lahayn ayaa la sii dhahaa dhaanto.
-         Dhaantooyinka Jira Waxaa Ka Mida:

-         Baarcade
-         Baloolay
-         Bariyo
-         Batar
-         Boobto
-         Gabley-shinbir
-         Hirwo
-         Kabeebay
-         Rable
-         Waalo
-         Walasaqo
-         Weglo
-         Wilwilo
-         Dhaanto-dhaanto(oo ah taas aan magaca gaara lahayn)
-         IWM
Dhaanto kastaa waxa ay tahay QOOBKACIYAAR + HEELLO:
Qoobkaciyaarku waxa uu leeyahay : JUGDHEB = BEAT iyo JAAN = RHYTHM
Dhaantooyinku waxay ku kala duwanaadaan JAAN-ta ama Rhythm-ka, oo middii walba waxay gaarkeeda u lahaataa jaandhac ka duwaya tan kaleeto. Sida ay degellada Soomaalidu u kala jiraan ayaa iyaduna waxa ay keentaa in laba dhaanto oo isku JAAN ah ay kala magac ula kala bexeen degelladaas dadkoodu.
HEELLO-du waxa ay tahay midho suugaaneed, ama maanso LYRICS. Heello waxa ay hees kaga duwan tahay waxaa raacsan LUUQ oo ah TUNE. Heelladu marka ay dhaanto ku jiro waxa lahaataa OR(The Beginning For The Chant) iyo JIIB/REEN(Chorus), oo hugunka ay kaga danba yeedhaan dadka dhaantada ciyaarayaa, ama dhaantaynayaa.
DHAANTAYNTU: Waa wax-ifaalleyn-dhaqanmood(Cultural Expression)

2.     Taawo Gacamood(Manual Art): Oo lagu magacaabo FARSHAXAN-(Sculpture/Fine Arts/Drawing): 
Sculpture = Wax-xaradhka
Drawing = Muuqaab-ka(Muuqaabis-ta/Muuqaabidda)

Waxa haatan jirta oo adeegsan ereygan ah FARSHAXAN, oo u adeegsama si guud inuu ka dhigan yahay TAAWOOYINKA oo dhan. Taasi waxa keenaya iyadoo bulshada aanay wada taabin qeybaha kale ee taawada, oo sida markaas ugu fudud loogu tilmaamo FARSHAXAN.
Balse, farshaxanku waxa uu ku gaaran yahay, Taawada Gacani, samayn karto, sida XARADH-ka dhagaxyada, muuqaab samaynta iwm.

3.     Taawo Afood(Lingual Art): Oo lagu magacaabo SUUGAAN –(Literary Arts/Poetry)
Waxa kaloo lagu magacaabaa AESTHETIC oo ka dhigan MEEXAAN(Waa macaan u yeelida hawraarta, ama qurux u yeelista).
Waxay u kala baxdaa Suugaantu: MURTI-(Wise Sayings) iyo MAANSO-(Poetry/Lyrics).

4.     Taawo Cod(Vocal Art): Oo lagu magacaabo MASHDHAC-( Vocal Arts/Music/Singing/Opera):
HEESAA-gu: Wuxuu heesaa taawo cod: Waxa laashima LAASHIN(COMPOSER/TUNER): Laashin-ka ayaa LUUQ-dana ku dara kolal.
Mashdhaceeyuhu-na: Mar waa laashinka marna waa qof kale hawshaas u curiya mashdhac isagoo daababka mashdhaca tumaya.
Soomaalidu waxay dhahdaa MASHDHAC iyo MASHXARAD-ba waa loo tumay. Mashdhacu waa: Codadka islakeenka leh(The Harmonic Sounds), ee daababka laga yeedhiyo(Instrumental sounds). Daababka Mashdhacu waa ay kala duwan yihiin:
-         DRUMS: Waxa ay sameeyaan waxa salka u ah Mashdhaca oo ah JUGDHEB-ka (The Beat), iyo JAAN-ta(The Rhythm)
-         BASS: Waxa uu sameeyaa GURXAN: Daababka Gurxanka sameeya waxa ka mida -Bass Guitar iyo Cello.
-         MELODY: Waa DANAN-ka, waxaa sameeya daabab doorra. Sida ACOUSTIC GUITAR,LUTE, KEYBOARD oo loo yaqaan PIONO ama ORGAN, waxa kaloo sameeya dananka FLUTE oo ah Foodhida
Taawada Codka: Waxa kaloo ka qeybqaata HOOBAL ama HOOBALAD, oo codkooda ku heesa , iyadoo loo raacinayo daababka mashdhaca ee kolkaas loo tumayo.
Tumista mashdhacu mar waa QQAACI(Non-Orchestra) marna ARGAAN(Orchestra): Marka ay Argaanka tahay waxaa ka qeybqaata kontameeyo hoobal oo mashdhac tumayaal ah, oo kala sita daabab ay markaas tumayaan, waxaa isku xidhiidhiya …MASTER, oo ahaada Mashdhacyahan.

5.     Taawo Jilan(Performed/Acted Art): Oo lagu magacaabo MAJAAJILO –(Drama) :
Dad badan baa mooda in majaajiladu tahay MAADAYS-ka (The Comedy). Majaajiladu asalkeeda hore waa ereybixin ama tiraab – ka timid MALAHAAJILOH:
Waxa kaloo lagu magacaabaa TAAWO GOLEED: Sida Theatre(GOLATOON).[Golatoonka Murtida Iyo Madadaallada ]Waxay kala ahaataa:
-         Maadays =Comedy
-         Ruwaayad = Play… Waxa sameeya Playwright(Abwaan).
-         Googoos =…?
-         Taxane = Serial…ama MUSALSAL 
-    Films = FILINMADA
-         Iwm.
Tiraabta TAAWO waxa ay si guud uga dhigan tahay ART ama FAN(oo Carabiy ah). Siyaabaha ereygan ama tiraabtan , loo adeegsado waxaa ka mida:- Gabay buu taawiyay/ Ruwaayad buu taawiyay. Taawin-tu waa wax ALIFAAD-da (oo ah Carabiy).
In dhoweydba waa taan ka tegay taawadii gabaye! = I didn’t do recently any sort of art poetry!” [Gabay : Cali Jaamac Haabiil]
Qof taawo leh, waxaa lagu magacaabaa TAAWOBILE = ARTIST.
Hawlaha taawobile waxaa lagu magacaabaa ARTWORK = FALTAAWO.
Hoobalku waa Heesaaga, Jilaaga,Dhaanteeyaha(Dancer) waa-na Taawobile.
Abwaanku waa taawobile, taawiyay ama taawin kara inta jaad ee taawo ka kooban tahay.
Farshaxan-ku waa taawobile.

Intaa haddii aynu kaga gudubno TAAWO waxa barbar yimaada KASMASHO:


II.KASMASHO: waa seddex laamood:
Sida haddeeran –(The Modern) ee loo barto kasmashada waxa ka horaysay, si kale oo la dhihi jiray-  Natural Science = Kasmo Uuniyood/Kasmo Uuniya. Balse hadda waxaa lagu soo koobaa seddex halgedood(Three Basic Subjects) oo kala ah.
1.     PHYSICS –(ANUUN-ka).:Waxa Carabiga lagu dhahaa TDABIICAH(Waa uuniga(The Nature) kuu muuqda iyo waxa ka falmoon.)
2.     CHEMISTRY- (FAXAR-ka): (Waa barashada curneyaasha iyo waxa ka falmoon)
Waxa loo kala qeybiyaa Organic Chemistry = Faxar Noolgan, iyo
In-organic Chemistry = Faxar Manoolgan
3.     BIOLOGY- (ANOOL-ka) : ( Waa barashada noolayaasha iyo waxa ka falmoon): Barashada noolayaasha waxaa ay kala ahaadaan:
-         NAGAAR(PLANTS): - Ugbaad(Herbs)/Dhir(Shrubs)/Geed(Trees): waxa kaloo barashadan la dhahaa BOTANY(Yabaadh)- oo ku aadan sii-barashada waxa sida ugbaadka, dhirta ama geedaha u baxa.
-         ADEENTI(HUMAN/ANIMALS):- Dad/Ugaadh/Dugaag/Xoollo, kuwaasoo siyaabo kala duwan loo kala abla-ableeyo: Sida:- Dabjoog iyo Duurjoog.
-         Naasley(Mammals) – Xamaarato(Reptiles)-Beribiyood(Amphibians) iwm.
Si-ahaan, wax kastoo nool oo dhaqaaqa waxa lagu magacaabaa ADEENTI: Waxaa kaloo ka mida adeenti CAYAYAAN-ka(The Insects):Sida:- Shinnida, Caarrada,Qudhaanjada, Jinaca iwm.
-         Waxa kaloo jira noolayaal, aan isha aradani arki Karin oo lagu eego qalab indhood weynayso ah- waxaa noolayaashaas lagu magacaabaa BACTERIA(Bakteeriya=JIRIC). Mar Bacteeriyadu waxa lagu foocdaraa Nagaarka marar kalana Adeentida.

TERMS = TIRAABO:

Music = Mashdhac
Melody = Danan
Tempo = Gurdan
Bass = Gurxanka
Rythm = Jaandhac[JAAN-TA]
Beat = Jugdheb [ JUG-TA]
Tone = Nux
Musical Notation = Daqadqoraalka Mashdhaca
Note = Daqad-da [ NOTES = Daqado-ha]
Orchestra = Argaan
Non-Orchestra = Qqaaci
Dance = Dhaantoh
Dancer = Dhaanteeyeh
Fine Art = Taawo Faayan
Harmony = Islakeen
Pitch = Ciiq-da
Timbre  = Sudin-ka
Dynamics = Xiiman-ka
Texture = Goloostan
Performing Art = Taabagudasho Taawo
Sound = Jamaq[Human Sound]/Jabaq [Non-Human-Sound]
Musician = Mashdhacyahan
Folk Music = Mashdhac Bulsho
Ornament = Hilqad
Accentuation = Jawaqayn
Pauses = Hakanno-da
Entertainment = Madadaallo
Theatre = Golatoon
Play = Ruwaayad-da
Playwright = Abwaan
Drama = Majaajilo
Film = Jilne/Filim
Classical Music = Mashdhac Sooyaaleed
Minor = Gaag
Major = Gaan
Modes = Miyaaqyo
Monotone = Nuxkeliyaale
Opera = Fagaaraley
Romance = Jamatiin
Romantic = Jamatiineed
Octave = Sideedley
Theme = Dabuub-ta
Phrase = Tibaax
Keynote = Inlig-ga
Tuning = Hilloobayn(Ta'liifta Sida Cuudka Xadhkihiisa)
























 

3 comments:

Idiris said...

Nabdoonid, Siciid:

Nin dedaal badan ayaad tahay; mar kasta oo aad hawl sidan u farsamaysan inoo soo tebiso, kuwa kugu garabistaaga ayaan jeclahay in aan ka mid ahaado.

Hadraawi baa ku maansoodaye: Runtu aydin maahee / bal adeentideedii / oohow ka oohow!

Ereyga taawo (art) waa uu macno ballaaran yahay, waxa uuna cabbirayaa wax kasta oo uu Aadanuhu qurux bido amma uu si qurux leh u falo. Jaadad badan oo taawada ka mid ah ayaa la halgedeeyay, si waxbarashada loogu qaato. Waxaa waxbarashada ka mid ah halgedo lagu barto farsamada sida: harqanlaynta (fashion design), iwm. Soomaaliduna waxa ay xirfado u leedahay oo la isbaraa waa taawo waxbarashada ka mid ah. Ereyada --- xardhis, shaqlis, muunadayn, samayn, habayn, hogayn, falkin, qorid, tolid, aslid, culid, dagagarid, carrogid (cartirid), biifid, subkid, haawin, iwm. --- ayaana inoogu filan taawo ahaanshaha farsamooyinka Soomaalida.

Marka, taawadu shantaas qaybood miyeynan ka badan karin?

Mahadsanid,
Idiris

Jamaal said...

Mudane Siciid,

Waxa nin yohow dhibaato ah in uu afkeennii dhumay, kuna milmay afaf kale, siiba afka Carabiga.

Ereyo badan oo af Soomaali ahaan loo heli karo, sida hoobal iyo taawo ayaad arag in laga tegey oo laga doorbiday ereyada fannaan iyo fan, walow ereyga "fannaan" uusan ujeeddo ahaan la mid ahayn "hoobal", ee uu u dhigmo taawobilo (Ingiriis: Artist), ereyga hoobal na yahay Carabi ahaan "mughanni" (Ingiriis: singer).

Sidoo kale ereyga abwaan waxaa qaamuuskii hore ugu qoran laba qeexaal oo kala ah:

1. Qof laamo badan oo kasmo aqoon durugsan u leh, siiba dhaqanka ~ waaya'arag.

2. Buug ay laamaha aqoonta oo idil ku uruursan yihiin ~ Encyclopedia (Carabi: mawzuucah).

Kolka waxa aan filin in playwriter uu abwaan noqon karo, maadaama playwriter-ku yahay qof dhaqanka iyo albaxa waaya'arag ku ah. Tusaale: abwaan Hadraawi, abwaan Sangub, iwm...

Haseyeeshee, waxa aad arag warbaahintii la rabay in ay dadka afka ku baraarujiyaan oo ujeeddo qaldan u adeegsanaysa ereyadii faca lahaa.

Tusaale ahaan BBC iyo VOA waxa ay abwaan u adeegsadaan qeexaalka qofka gabyaaga ah, ee gabayada tiriya, taasoo iila muuqata marin-habaabis kii ugu darnaa.

___

Waxa wanaagsanaan lahayd, sida ay ila tahay, in la helo qaab loogu sameeyo coverage halgedyada aad ku soo gudbisid degelkaan, tusaale ahaan in aad mar ka diyaariso buug ama aad u qorshayso in aad ka baahiso warbaahinaha waaweyn ee ay dadka Soomaaliga ku hadlaa aadka ula socdaan.

Sidaas waxa aan u leeyahay, dadka Soomaaliga ku hadla inta wax dhegaysata ama qaab dhaqameed (traditional) wax u akhrisata ayaa ka badan inta internerka dheehata, waxaana sii yar inta dheehata degellada wax lagu faafiyo, sida blog-gaan oo kale.

Halgedda taawo sida ay u ballaaran tahay iyo sida aad u soo meertay adoo qayb walba oo ka mid ah qeexaal ka bixinaya waa wax loo bogo.

Ugu dambayntii, waxa aan rabay in aan erey halkan ku jira faallo yar ka bixiyo:

- Ereyga farshaxan: waxa ay ila tahay in uu ereyga dhabtii u dhigmaa yahay typography. Far = type, graphy = shaxan? Runtii ma hubo in aan saxanahay, balse sidaas ayaan u haystay intii aan isku hawlayey isu raadinta ereyfurrada ashqalaadda (design glossary).

Mahadsanid,

-Jamaal

TIRAAB said...

Assalaama Calaykum!
Waa runtaa TAAWOOYINKA ama waxyaabaha quruxda nolosha tilmaamaya waa ay badan yihiin. Haseyeeshee sidan aan u qoray waxay ahayd CATEGORIZATION(Kala-goondhig)-Sidaas ayay shan goon ku kala yihiin.
TAAWO GACAN laga falo oo dhan waxa la dhahaa FARSHAXAN, sida dhabadlaha Soomaaliga laga helayo(The Somali Usage/Somali In Use).
Intaas IDRIIS adiga ayaan kuugu soo warceliyay.

BOOWEHAY JAMAAL!
FARSHAXAN erey tiraabeed jira, oo lagu astaysto TAAWO GACAN lagu keeni karo oo dhan.
TYPOGRAPHY waa wax daabacaad, si ahaan wax xaradhku ama wax qorqorista kale ee sida MOOYE qorid qorri laga sameeyo waa farshaxan.
Sikasta, SHAXAN = GRAPH!

Mahadsanidiin
SEID ABDI